Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Maxalad Lecannod. Oo waa Maskiil tacliin ah oo Heemaankii reer Cesraax.
88 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow,
Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
2 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo qayladayda dhegta u dhig,
3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin,
Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska,
Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
5 Oo meydadka lagu dhex tuuray,
Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal,
Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn,
Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
6 Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya,
Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
7 Cadhadaadii baa igu soo degtay,
Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay,
Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda.
Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
9 Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed,
Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay,
Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10 Ma yaabab baad tusaysaa meydadka?
Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11 Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa?
Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12 Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa?
Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14 Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa?
Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15 Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba,
Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay,
Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17 Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale,
Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
18 Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay,
Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
6 Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.
92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
5 Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
6 Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
8 Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
9 Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
17 Haddaba waardiyihii wuxuu kor taagnaa noobiyaddii Yesreceel, oo wuxuu arkay kooxdii Yeehuu oo soo socota; markaasuu yidhi, Waxaan u jeedaa koox. Yooraamna wuxuu yidhi, Nin faras wata u dir, oo ha ka hor tago, oo ha ku yidhaahdo, War ma nabad baa? 18 Sidaas daraaddeed waxaa tegey mid faras ku jooga inuu isaga ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa wuxuu ku yidhi, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal. Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa wuxuu yidhi, Ninkii wargeeyska ahaa wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo. 19 Markaasuu haddana diray mid labaad oo faras ku jooga, oo isna intuu u tegey ayuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa ugu jawaabay, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal. 20 Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa yidhi, Isna wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo, oo socodkuna wuxuu u eg yahay sidii socodkii Yeehuu ina Nimshii; waayo, wuxuu gaadhifaraskiisa u kaxeeyaa sidii isagoo waalan. 21 Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel. 22 Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin? 23 Markaasaa Yooraam intuu faraskii dib u ceshaday ayuu cararay oo wuxuu Axasyaah ku yidhi, War Axasyaah, tanu waa khiyaano. 24 Markaasaa Yeehuu qaansadiisii ku xooday xooggiisii oo dhan, oo Yooraam ku dhuftay labada garab dhexdooda, oo fallaadhiina waxay ka mudhbaxday wadnaha, markaasuu ku dhex dhacay gaadhifaraskiisii. 25 Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay; 26 Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa. 27 Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay. 28 Addoommadiisii ayaa gaadhifaras xagga Yeruusaalem ugu qaaday, oo qabrigiisii ayay awowayaashiis kula aaseen magaaladii Daa'uud dhexdeeda.
29 Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.
Yesebeel Waa La Dilay
30 Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay. 31 Oo markii Yeehuu iriddii ka soo galay ayay tidhi, Simriigii sayidkiisii dilayow, ma nabad baa? 32 Oo isna intuu kor u eegay xagga daaqaddii ayuu yidhi, War yaa ila gees ah? Yaa ila gees ah? Markaasaa waxaa soo fiiriyey laba ama saddex nin oo bohon ah. 33 Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay. 34 Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor. 35 Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane. 36 Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda. 37 Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.
Arrimaha Ku Saabsan Guurka Iyo Guurla'aanta Iyo Furidda
7 Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban. 2 Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato. 3 Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. 4 Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa. 5 Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed. 6 Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo. 7 De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
8 Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan, 9 laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.
7 Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis. 8 Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
Tukashaduu Ciise Xertiisii Baray(A)
9 Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado. 10 Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. 11 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. 12 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
14 Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya