Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.
69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga,
Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin,
Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda,
Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin,
Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday,
Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye,
Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay,
Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey,
Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna,
Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan,
Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah,
Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
19 Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda,
Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa,
Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay,
Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti,
Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
22 Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin,
Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
23 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin,
Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
24 Xanaaqaaga iyaga ku deji,
Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
25 Gurigoodu cidla ha noqdo,
Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay,
Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
27 Xumaantooda xumaan ugu sii dar,
Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool,
Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
29 Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay,
Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
Kitaabka Saddexaad
Sabuurrada 73-89
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
2 Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday,
Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil,
Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa,
Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada,
Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane?
Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen,
Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan,
Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado,
Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga,
Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
2 Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale. 3 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan? 4 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey. 5 Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen? 6 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. 7 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa? 8 Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii. 9 Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay. 10 Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba. 11 Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay. 12 Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba. 13 Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen. 14 Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto. 15 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey. 16 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. 17 Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.
16 Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro? 17 Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
18 Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa, 20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin. 21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh, 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh. 23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad(A)
13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya