Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.
72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad,
Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan;
Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa;
Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan,
Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda,
Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale,
Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa,
Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto;
Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga,
Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba,
Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto.
Aamiin iyo Aamiin.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
YOD.
73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga,
Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan,
Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin,
Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin
Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado,
Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen,
Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen,
Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado,
Si aanan u ceeboobin.
KAF.
81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed,
Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa?
Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro,
Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee?
Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn
Ayaa ii qoday godad.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad,
Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen,
Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
88 Raxmaddaada igu soo noolee,
Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
LAMED.
89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab;
Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan,
Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin,
Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono,
Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan,
Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin,
Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
Miikayhuu Wax Sii Sheegiddiisii Ka Geesta Ahayd Axaab
22 Oo intii saddex sannadood ah ayaanu dagaal dhex marin dadka Suuriya iyo dadka Israa'iil. 2 Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil. 3 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya! 4 Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale. 5 Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii. 6 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 7 Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebi Rabbigu jirin aan wax weyddiinnee? 8 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, kaasuna waa Miikayhuu ina Yimlaah, laakiinse waan nebcahay, maxaa yeelay, isagu wax wanaagsan igama sheego wax xun mooyaane, oo Yehooshaafaadna wuxuu ku yidhi, Boqorow, saas ha odhan. 9 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah. 10 Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen. 11 Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan. 12 Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 13 Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal. 14 Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu igu yidhaahdo. 15 Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 16 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa? 17 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo. 18 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane? 19 Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqal, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi. 21 Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel. 23 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah. 24 Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo? 25 Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato. 26 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor; 27 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo. 28 Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.
Xigmadda Dadka Iyo Muujinta Ilaah
2 Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah, 2 waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee. 3 Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan. 4 Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga, 5 inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
6 Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; 7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, 8 tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, 9 laakiin sida qoran,
Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin,
Oo aan qalbiga dadka gelin,
Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. 11 Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane. 12 Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey. 13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.
Ciise Wuxuu U Yeedhay Xertiisii U Horraysay(A)
18 Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal. 19 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 20 Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii. 21 Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay. 22 Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.
Ciise Wuxuu Ku Wareegay Oo Ka Shaqeeyey Galili(B)
23 Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo [a] sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa. 24 Warkiisuna waa gaadhay Suuriya oo dhan, oo waxay u keeneen kuwii bukay oo dhan, oo cudurro kala cayncayn ah iyo silic qabay, iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba, iyo kuwa curyaan ah, wuuna bogsiiyey. 25 Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya