Book of Common Prayer
SAYN.
49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay,
Oo aad igu rajo gelisay.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay,
Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,
Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada,
Waanan isqalbi qaboojiyey.
53 Aad baan u xanaaqay,
Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso
Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay,
Oo sharcigaagaan dhawray.
56 Taasu waa ii ahaatay,
Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
KHED.
57 Rabbigu waa qaybtayda,
Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato,
Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga,
Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin
Inaan amarradaada dhawro.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh,
Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo,
Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan,
Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
TET.
65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay
Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon,
Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday,
Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen,
Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday,
Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo,
Si aan qaynuunnadaada u barto.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay
Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
49 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla,
Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare,
Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad,
Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal,
Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro,
Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Kuwa maalkooda isku halleeya,
Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo,
Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad,
Kumana filna weligeedba,)
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado,
Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan,
Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan,
Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan,
Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan,
Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro,
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
13 Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah,
Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
14 Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado,
Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho,
Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona,
Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba.
15 Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool,
Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)
16 Ha baqin markii mid taajiroobo,
Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
17 Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo,
Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
18 In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa,
Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
19 Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis,
Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
20 Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Mahalad.
53 Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro.
Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro.
2 Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga,
Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
3 Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4 Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan,
Oo aanay Ilaah baryin?
5 Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin,
Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey,
Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
6 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Eliiyaah Oo Tukeyaal Quudiyeen
17 Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane. 2 Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 3 Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 4 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan. 5 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 6 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray. 7 Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.
Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta
8 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 9 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso. 10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee. 11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah. 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee. 13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga. 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah. 17 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa. 18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid? 19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii. 20 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay? 21 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto. 22 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday. 23 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye. 24 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.
Waano Ku Saabsan Isku-mid-ahaanshaha Iyo Is-hoosaysiinta
2 Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis, 2 farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.
Ciise Is-hoosaysiintiisii Iyo Isbixintiisii Waa Masaal
5 Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. 6 Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, 7 laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, 8 oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. 9 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.
Imaatinkii Nimankii Xigmadda Lahaa
2 Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh, 2 Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno. 3 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan. 4 Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa. 5 Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,
6 Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay,
Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda,
Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye,
Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.
7 Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay. 8 Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo. 9 Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay, 10 oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen. 11 Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah. 12 Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya