Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 25

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen,
Waayo, adaan ku sugaa.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi
Dhibaatooyinkooda oo dhan.

Sabuurradii 9

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Muutlabbeen.

Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa,
Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa,
Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan,
Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay,
Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay,
Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba',
Oo magaalooyinkii aad afgembidayna
Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor,
Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa.
Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen,
Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey,
Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool,
Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono,
Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan.
Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli,
Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)

Sabuurradii 15

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

Taariikhdii Labaad 6:32-7:7

32 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan, 33 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho. 34 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 35 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel. 36 Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee, 37 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 38 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 39 de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay. 40 Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo. 41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen. 42 Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.

Macbudkii Gooni Baa Laga Dhigay

Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. Oo wadaaddadiina ma ay geli karin gurigii Rabbiga, maxaa yeelay, gurigii Rabbiga waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa. Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen. Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah. Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen. Oo weliba Sulaymaan wuxuu quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaannada la gubo, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada, maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee uu Sulaymaan sameeyey ma ay wada qaadi karin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtaba.

Yacquub 2:1-13

Kadigidda Kala-eexashada

Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina. Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo, oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso, miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma? I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda? Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay? Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan. Laakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay. 10 Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay. 11 Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay. 12 Sidii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela. 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.

Markos 14:53-65

Ciise Waxaa Lagu Xukumay Wadaadka Sare Hortiisii(A)

53 Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo waayeelladii iyo culimmadii. 54 Butros baa meel fog ka soo daba socday, oo wuxuu galay barxadda wadaadkii sare oo la fadhiistay askartii, dabkana ayuu kulaalay. 55 Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen. 56 Waayo, qaar badan baa marag been ah ku fureen, laakiin maraggoodii isku mid ma ahayn. 57 Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen, 58 Waxaannu maqalnay isagoo leh, Macbudkan gacmo lagu sameeyey ayaan dudumin doonaa, saddex maalmood dabadeed waxaan dhisi doonaa mid kale oo aan gacmo lagu samayn. 59 Laakiin sidaasuuna maraggoodii isku mid u ahayn. 60 Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? 61 Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weyddiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Kan la ammaano? 62 Ciise baa yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka. 63 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? 64 Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo. 65 Qaar waxay bilaabeen inay candhuuf ku tufaan oo wejigiisa daboolaan oo garaacaan, waxayna ku yidhaahdeen, Wax sheeg. Askartiina way dharbaaxeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya