Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:1-24

ALEF

119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.

BED

Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa?
Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan,
Yaanan amarradaada ka leexan.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday
Si aanan kuugu dembaabin.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay
Xukummadii afkaaga oo dhan.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga,
Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada,
Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa,
Eraygaagana ma illoobi doono.

GIMEL.

17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado,
Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
18 Indhahayga fur
Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
19 Socotaan dhulka ku ahay,
Haddaba amarradaada ha iga qarin.
20 Naftaydu waxay u xiisootay
Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran,
Oo amarrada ka leexda.
22 Cay iyo ceeb iga fogee,
Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay,
Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya,
Waana lataliyayaashayda.

Sabuurradii 12-14

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.

12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

13 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa,
Anigoo maalinta oo dhan calool xun?
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab,
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday,
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada,
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
Rabbigaan u gabyi doonaa,
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

Boqorradii Kowaad 3:1-15

Sulaymaan Oo Weyddiistay Xigmad

Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa. Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay. Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.

Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo. Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo. Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay. Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona. Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda. Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo? 10 Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay. 11 Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka, 12 ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono. 13 Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan. 14 Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa. 15 Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

Falimaha Rasuullada 27:9-26

Melita Buu U Dhoofay. Duufaan Baa Dhacay Oo Doonnidii Waa Burburtay

Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii, 10 oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin. 11 Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi. 12 Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.

13 Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee. 14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon; 15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay. 16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno; 17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay. 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.

21 Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona. 22 Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida. 23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego. 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan. 25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay. 26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.

Markos 14:1-11

Shirqoolkii Ciise Loo Dhigay(A)

14 Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan. Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.

Ciise oo Beytaniya Lagu Subkay(B)

Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel [a]alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay. Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey? Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii. Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo. Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

Yuudas Khiyaanadiisa(C)

10 Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo. 11 Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya