Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 5-6

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab la afuufo oo muusika ah.

Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig,
Oo ka fiirso fikirradayda.
Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda,
Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa,
Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa,
Oo shar adiga kula jiri maayo.
Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo,
Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla,
Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa,
Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami,
Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto,
Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan,
Hungurigooduna waa qabri af bannaan,
Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10 Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri,
Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een,
Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga,
Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen,
Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga,
Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
12 Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa,
Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.

Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

Sabuurradii 10-11

10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

Boqorradii Kowaad 1:38-2:4

38 Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon. 39 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado. 40 Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii. 41 Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay? 42 Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye. 43 Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan. 44 Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka! 45 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas. 46 Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada. 47 Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii. 48 Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan. 49 Oo Adoniiyaah martidiisii oo dhammuna way wada cabsadeen, oo intay kaceen ayaa nin waluba meeshiisii tegey. 50 Oo Adoniiyaahna wuxuu ka cabsaday Sulaymaan, markaasuu tegey oo qabsaday geesihii meeshii allabariga. 51 Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn. 52 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Hadduu isu muujiyo sida nin qumman, xataa tin keliyuhu dhulka kaga dhici maayo, laakiinse haddii xumaan laga helo, wuu dhiman doonaa. 53 Sidaas daraaddeed Boqor Sulaymaan wuu u cid diray, oo waxaa laga soo kaxeeyey meeshii allabariga. Oo isna wuu yimid oo u sujuuday Boqor Sulaymaan, oo Sulaymaanna wuxuu ku yidhi, Orod, gurigaagii tag.

Wixii Daa'uud Ku Amray Sulaymaan

Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi, Anigu waxaan marayaa jidka dadka dhulka oo dhan; haddaba xoog yeelo, oo raganimadaada muuji, oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba; inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

Falimaha Rasuullada 26:24-27:8

24 Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay. 25 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan. 26 Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon. 27 Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay. 28 Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo. 29 Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.

30 Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu; 31 oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona. 32 Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

Bawlos Wuxuu U Dhoofay Rooma, Markaasuu Kereetee U Dhoofay

27 Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka. Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid. Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo. Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay. Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya. Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey. Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee. Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.

Markos 13:28-37

Soojeedid Baa Loo Baahan Yahay(A)

28 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 29 Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 30 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 31 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan. 32 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee. 33 Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya