Book of Common Prayer
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4 Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7 Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8 Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.
111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
2 Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
3 Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
4 Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
5 Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
6 Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
7 Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
8 Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
9 Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
112 Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
4 Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
113 Rabbiga ammaana.
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.
Rabbiga magiciisa ammaana.
2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
4 Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
6 Oo hoos u eega
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
9 Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.
Rabbiga ammaana.
Daa'uud Oo Tirinaya Nimankii Dagaalyahanka Ahaa
24 Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. 2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.
10 Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.
Daa'uud Oo Dhisay Meel Allabari
18 Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray. 20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray. 21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato. 22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan. 23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah. 25 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.
23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.
Waxa Rumaysadka Ka Yimaada
25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
Rumaysad Baa Lagu Noqdaa Carruurta Ilaah
4 Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba, 2 laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay. 3 Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida; 4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay, 5 inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo. 6 Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow. 7 Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.
Nuurka Dunida
12 Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha. 13 Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha. 14 Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo. 15 Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo. 16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray. 17 Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run. 18 Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura. 19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen. 20 Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya