Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 106

106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii,
Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen,
Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen,
Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse
Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan,
Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay,
Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen,
Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen
Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa,
Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam,
Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa.
Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay,
Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa,
Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen,
Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga,
Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda,
Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor,
Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen,
Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun,
Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo
U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda,
Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii,
Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in,
Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii,
Shuqulladoodiina way barteen,
36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii,
Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda
Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan,
Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen,
Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday,
Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha,
Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay,
Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey,
Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii,
Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii,
Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii,
Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay
Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi,
Oo quruumaha naga soo dhex ururi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.
Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin.
Rabbiga ammaana.

Samuu'eel Labaad 17:24-18:8

24 Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan. 25 Oo Absaaloomna wuxuu ciidankii madax uga dhigay Camaasaa, oo Yoo'aab wuu ka beddelay. Haddaba Camaasaa waxaa dhalay nin reer binu Israa'iil ah oo magiciisa la odhan jiray Yitraa, oo wuxuu qabay Abiigayil oo ay Naaxaash dhashay, oo waxay la dhalatay Seruuyaah oo ahayd Yoo'aab hooyadiis. 26 Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.

27 Markii Daa'uud yimid Maxanayim waxaa u yimid Shobii oo ahaa ina Naaxaash ee ahaa reer Cammoonkii degganaa Rabbaah, iyo Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel ee ahaa reer Loo Debaar, iyo Barsillay oo ahaa reer Gilecaadkii degganaa Rogeliim, 28 oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir, 29 iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

Dhimashadii Absaaloom

18 Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya. Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa. Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun. Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan. Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim. Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin. Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay.

Falimaha Rasuullada 22:30-23:11

Bawlos Baa Iskaga Daafacay Shirka Hortiisa

30 Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

23 Markaasaa Bawlos shirka aad u fiiriyey oo ku yidhi, Walaalayaalow, ilaa maalintan ayaan qalbi wanaagsan ku noolaa Ilaah hortiis. Kolkaasaa wadaadkii sare oo Ananiyas la odhan jiray ku amray kuwii ag taagnaa inay afka ku dhuftaan. Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn? Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa? Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.

Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa. Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay. Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan. Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno. 10 Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

11 Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

Markos 11:12-26

Geedka Berdaha Ah Oo Aan Waxba Dhalin(A)

12 Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa. 13 Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn. 14 Ciise baa u jawaabay oo geedkii ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa ninna yuu midho kaa cunin. Xertiisiina waa maqashay.

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(B)

15 Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisena macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 16 Umana oggolayn in ninna alaab macbudka la soo dhex maro. 17 Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo. 18 Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

19 Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.

Xoogga Rumaysadka(C)

20 Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay. 21 Markaasaa Butros soo xusuustay, oo wuxuu ku yidhi, Macallinkaygiiyow, eeg, geedkii berdaha ahaa oo aad habaartay waa engegay. 22 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta. 23 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa. 24 Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa. 25 Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo. 26 Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya