Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 84

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo Gitiid lagu luuqeeyo.

84 Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa,
Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri,
Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho,
Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow,
Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan,
Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado,
Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh,
Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan,
Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal,
Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)
Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg,
Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale.
Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa,
Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan,
Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda.
Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
12 Rabbiga ciidammadow,
Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

Boqorradii Kowaad 19:1-12

Eliiyaah Oo U Cararay Xoreeb

19 Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay. Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii. Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey. Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay. Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun. Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday. Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay. Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah. Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

Rabbiga Oo U Muuqday Eliiyaah

10 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan. 11 Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka. 12 Oo dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban.

2 Korintos 3:1-9

Adeegayaasha Axdiga Cusub

Miyaannu bilaabaynaa inaannu haddana is-ammaanno? Ama miyaannu u baahan nahay warqado ammaan ah in laydiin diro ama in laydiinka soo diro sida qaar kale? Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan, idinkoo muuqanaya inaad tihiin warqadda Masiixa ee ah taannu ka adeegnay, ee aan khad lagu qorin, laakiinse lagu qoray Ruuxa Ilaaha nool, oo aan lagu qorin looxyo dhagax ah dushood laakiin lagu qoray looxyo qalbiyo jiidh ah dushood. Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah; ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin iskufillaantayadu waa xagga Ilaah, kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa. Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa, sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan? Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay.

2 Korintos 3:18

18 Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya