Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 56-58

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Yoonad elem rexoqiim. Wuxuuna tiriyey markii reer Falastiin ay isaga Gad ku qabteen.

56 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan;
Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan,
Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
Markaan cabsado,
Waan isku kaa hallaynayaa.
Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan,
Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan,
Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga,
Markay gaadayaan naftayda.
Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan?
Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
Waad og tahay warwareeggayga,
Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub,
Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho,
Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
10 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
11 Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
12 Ilaahow, nidarradaada waan qabaa,
Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
13 Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho,
Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin?
Inaan Ilaah hortiisa ku socdo
Iftiinka kuwa nool.

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.

57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed

58 Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan?
Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato,
Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood,
Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale,
Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta,
Iyagoo si caqli ah u sixraya.
Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi,
Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya.
Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da,
Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban,
Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada,
Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay,
Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.

Sabuurradii 64-65

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

64 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10 Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.

Samuu'eel Labaad 2:1-11

Daa'uud Oo Loo Subkay Boqorka Yahuudah

Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag. Saas daraaddeed Daa'uud halkaasuu u kacay, oo labadiisii naagoodna way raaceen, kuwaas oo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu kaxaystay, iyadoo nin waluba reerkiisii wato; oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah.

Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad. Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakeeyo, waayo, waad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa. Haddaba Rabbigu ha idiin roonaado oo runtana ha idin tuso; oo anna waan idiinka abaalgudi doonaa roonaantaas, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen. Haddaba gacmihiinnu ha xoogaysteen, oo idinna xoog yeesha, waayo, sayidkiinnii Saa'uul waa dhintay, oo reer Yahuudahna anigay ii subkeen inaan u ahaado boqor u taliya.

Raggii Daa'uud Iyo Raggii Saa'uul Oo Dagaal Dhex Maray

Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim; oo wuxuu boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesreceel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan. 10 (Oo Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul afartan sannadood buu jiray markii uu bilaabay inuu boqor u noqdo reer binu Israa'iil, oo wuxuuna boqor u ahaa laba sannadood.) Laakiinse reer Yahuudah waxay raaceen Daa'uud. 11 Oo wakhtigii Daa'uud Xebroon boqorka ugu ahaa reer Yahuudah wuxuu ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood.

Falimaha Rasuullada 15:36-16:5

Bawlos Iyo Barnabas Way Kala Tageen

36 Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin. 37 Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos. 38 Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin. 39 Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus; 40 laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah. 41 Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.

Timoteyos Baa Bawlos Raacay

16 Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig. Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay. Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa. Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan. Haddaba kiniisadihii iimaankay ku xoogoobeen, oo maalin kastaba tiradoodu waa kordhaysay.

Markos 6:14-29

Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha(A)

14 Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 15 Laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah. 16 Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay. 17 Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday, 18 oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid. 19 Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin, 20 waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.

21 Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili. 22 Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa. 23 Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed. 24 Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 25 Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso. 26 Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido. 27 Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay. 28 Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed. 29 Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya