Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.
45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.
48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6 Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
Daa'uud, Naabaal Iyo Abiigayil
25 Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
2 Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay. 3 Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb. 4 Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo. 5 Daa'uudna toban nin oo dhallinyaro ah ayuu diray, oo Daa'uud wuxuu raggii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Orda oo Naabaal ugu taga Karmel, oo magacayga ku salaama; 6 oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato. 7 Oo haatan waxaan maqlay inaad haysatid kuwo ido xiira; adhijirradaadiina way nala joogayeen, oo annana waxba ma aannu yeelin, oo innaba wax kama dhinnayn intii ay Karmel joogeen oo dhan. 8 Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud. 9 Oo markay Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa yimaadeen ayay erayadan oo dhan Naabaal kula hadleen iyagoo magaca Daa'uud ku hadlaya, dabadeedna way aamuseen. 10 Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa. 11 Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen? 12 Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen. 14 Laakiinse raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa u warramay Naabaal naagtiisii Abiigayil ahayd oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Daa'uud ayaa wargeeys ka soo diray cidlada inay soo salaamaan sayidkayaga, laakiinse wuu caayay. 15 Laakiinse nimankaasu way noo wanaagsanaayeen aad iyo aad, oo waxba nalama yeelin, oo innaba wax nagama dhinnayn intii aannu la soconnay oo dhan markii aannu duurka joognay. 16 Iyagu habeen iyo maalinba derbi bay noo ahaayeen intaannu iyaga la joognay oo idaha haynay oo dhan. 17 Haddaba bal garo oo ka fiirso wixii aad samayn doonto, waayo, sayidkayaga iyo reerkiisa oo dhanba belaayaa lala damacsan yahay, waayo, isagu waa waxmatare, oo ninnaba lama hadli karo. 18 Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro. 19 Markaasay waxay raggeedii dhallinyarada ahaa ku tidhi, Taga oo iga hor mara, oo anna waan idinka daba imanayaa. Laakiinse waxba uma ay sheegin ninkeedii Naabaal. 20 Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay. 21 Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay. 22 Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.
Bawlos Iyo Barnabas Oo Ikoniyon Jooga
14 Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. 3 Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. 4 Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii. 5 Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan, 6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; 7 meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
Bawlos Iyo Barnabas Oo Lustara Jooga
8 Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. 9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday. 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, 16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan. 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. 18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.
Waxa Laga Barto Laambadda Iyo Abuurka(A)
21 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska? 22 Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin. 23 Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo. 24 Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa. 25 Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
26 Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha. 27 Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo. 28 Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama. 29 Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.
30 Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa? 31 Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan. 32 Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.
33 Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen. 34 Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya