Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd,
Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn,
Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo,
Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya,
Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
Kitaabka Labaad
Sabuurrada 42-72
Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
42 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
6 Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
7 Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
8 Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
9 Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
3 Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
Daa'uud Oo Tegay Cadullaam Iyo Misfaah
22 Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen. 2 Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
3 Markaasaa Daa'uud halkaas ka tegey oo Misfaahdii reer Moo'aab u kacay; oo wuxuu boqorkii reer Moo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aabbahay iyo hooyaday ha soo baxeen oo ha kula joogeen, ilaa aan ogaado waxa Ilaah ii samaynayo. 4 Oo wuxuu iyagii hor keenay boqorkii reer Moo'aab, oo isagay la joogeen intii Daa'uud dhufayska ku jiray oo dhan. 5 Markaasaa Nebi Gaad wuxuu Daa'uud ku yidhi, Dhufayska ha ku sii jirine bax oo waxaad tagtaa dalka Yahuudah. Markaasaa Daa'uud tegey, oo wuxuu yimid kayntii Xaared.
Saa'uul Oo Dilay Wadaaddadii Nob
6 Markaasaa Saa'uul wuxuu maqlay in Daa'uud iyo raggii la jirayba la soo arkay; oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah, isagoo hoos fadhiya geed Raamaah ku yaal, oo warankiisiina gacanta ugu jiro, addoommadiisii oo dhammuna hareero taagan yihiin. 7 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya? 8 Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale? 9 Markaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub. 10 Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey. 11 Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen. 12 Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan. 13 Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale? 14 Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh? 15 Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin. 16 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba. 17 Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga. 18 Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey. 19 Oo magaaladii wadaaddada oo Nob ahaydna wixii joogay ayuu seef ku laayay. Rag iyo dumarba, iyo carruur iyo caanonuugba, iyo dibi iyo dameerro iyo idoba wuxuu ku wada laayay seef. 20 Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar. 21 Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga. 22 Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday. 23 Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan. 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii. 28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo. 29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen. 30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay, 31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka. 32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh,
Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi,
Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay; 37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin. 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin. 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma;
Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul,
Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
42 Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan. 43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.
19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
Ciise Iyo Be'elsebul(A)
20 Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan. 21 Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay. 22 Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa. 23 Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa? 24 Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto. 25 Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono. 26 Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho. 27 Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa. 28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan; 29 laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; 30 waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
Walaalnimada Runta Ah(B)
31 Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha. 32 Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan. 33 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay? 34 Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! 35 Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya