Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 38

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey inuu wax ku xusuusto.

38 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen,
Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis,
Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga,
Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin,
Waana nacasnimadayda daraaddeed.
Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay,
Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol,
Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay,
Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada,
Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay,
Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan,
Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan,
Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun,
Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la',
Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin,
Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa,
Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn,
Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco,
Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa,
Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin,
Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana
Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21 Rabbiyow, ha i dayrin,
Ilaahayow, ha iga fogaan.
22 Soo dhaqso oo i caawi,
Sayidow, badbaadadaydow.

Sabuurradii 119:25-48

DALED.

25 Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda,
Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
26 Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay,
Bal qaynuunnadaada i bar.
27 Jidka amarradaada i garansii,
Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
28 Naftaydu waxay la dhacdaa murug,
Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
29 Jidka beenta iga fogee,
Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada,
Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
31 Markhaatifurkaaga waan xajiyaa,
Rabbiyow, ha i ceebayn.
32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada
Markii aad qalbigayga ballaadhisid.

HE.

33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar,
Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa,
Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35 Igu kexee waddada amarradaada,
Waayo, kaasaan ku farxaa.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga,
Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi,
Oo jidadkaaga igu noolee.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah
Oo doonaya inaan kaa cabsado.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi,
Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada,
Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

WAW.

41 Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu
Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
42 Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya,
Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
43 Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn,
Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
44 Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga
Weligay iyo weligayba.
45 Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
46 Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda,
Mana ceeboobi doono.
47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada
Aan jeclaaday.
48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday,
Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Samuu'eel Kowaad 20:1-23

Daa'uud Iyo Yoonaataan

20 Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha. Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa. Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee. Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka. Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay. Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa? Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen? 10 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya? 11 Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.

12 Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan? 13 Hadday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale. 14 Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman, 15 laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka. 16 Sidaasuu Yoonaataan axdi ula dhigtay reerkii Daa'uud, oo yidhi, Taas wuxuu Rabbigu ka doonayaa cadaawayaasha Daa'uud gacantooda. 17 Oo Yoonaataan mar kaluu Daa'uud dhaariyey, jacaylkii uu u qabay aawadiis, waayo, wuxuu isaga u jeclaa siduu naftiisa u jeclaa oo kale. 18 Markaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa. 19 Markaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda. 20 Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya. 21 Oo bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye. 22 Laakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray. 23 Oo xagga xaalkii aynu ka hadalnay, bal eeg, aniga iyo adiga waxaa inoo dhexeeya Rabbiga weligiisba.

Falimaha Rasuullada 12:18-25

18 Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed. 19 Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.

Dhimashadii Herodos

20 Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.

21 Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey. 22 Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis. 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.

24 Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.

25 Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

Markos 2:13-22

U yeedhidda Laawi(A)

13 Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray. 14 Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay. 15 Waxaa dhacay markii Ciise gurigiisa cunto u fadhiistay in kuwa badan oo cashuurqaadayaal iyo dembilayaal ah Ciise iyo xertiisii la fadhiistay; waayo, way badnaayeen, wayna raaceen. 16 Culimmadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen, Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. 17 Ciise goortuu maqlay ayuu ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. Uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.

Wax Soonka Ku Saabsan(B)

18 Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. Isagay u yimaadeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu maxay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa? 19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku miyay soomi karaan intuu aroosku la joogo? In alla intii aroosku la joogo ma ay soomi karaan. 20 Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan maalintaas. 21 Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka go'da kan duug ah, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa. 22 Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya