Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 1-4

SABUURRADII

Kitaabka Kowaad

Sabuurrada 1-41

Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.

Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)

Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

Sabuurradii 7

Kanu waa sabuur Shiggayoon ah oo Daa'uud Rabbiga ugu gabyay, oo ku saabsan Kuush oo ahaa reer Benyaamiin.

Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane,
Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey,
Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah,
(Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado,
Oo isagu ha igu tunto,
Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
Rabbiyow, cadhadaada la kac,
Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda,
Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen,
Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
Rabbigu dadyowga buu u garsooraa,
Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah,
Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha
Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah,
Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa,
Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada,
Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan,
Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday,
Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa,
Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay,
Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

Samuu'eel Kowaad 15:1-3

Boqornimadii Saa'uul Oo Rabbigu Diiday

15 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday. Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba.

Samuu'eel Kowaad 15:7-23

Oo Saa'uul wuxuu reer Camaaleq ku laayay xagga Xawiilaah ilaa xagga Shuur, taasoo ku taal Masar horteeda. Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey. Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan.

10 Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh, 11 Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay. 12 Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay. 13 Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey. 14 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa? 15 Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay. 16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg. 17 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil; 18 oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan. 19 Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa? 20 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan addeecay Rabbiga codkiisii, oo waxaan maray jidkii Rabbigu igu diray, oo Agag oo ah boqorkii reer Camaaleq ayaan keenay, oo reer Camaaleqna dhammaan waan wada baabbi'iyey. 21 Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah. 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka. 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.

Falimaha Rasuullada 9:19-31

19 cunto buuna cunay, waana xoogaystay. Haddaba dhawr maalmood ayuu la joogay xertii Dimishaq joogtay. 20 Oo markiiba sunagogyada dhexdooda ayuu dadka kaga dhex wacdiyey Ciise inuu yahay Wiilka Ilaah. 21 Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare. 22 Laakiin Sawlos xooggiisii baa u sii kordhay, wuuna wareeriyey Yuhuuddii Dimishaq joogtay isagoo caddaynaya inuu kanu yahay Masiixa.

23 Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan; 24 laakiin Sawlos waa ogaaday tashigoodii. Haddaba habeen iyo maalinba irdaha magaalada bay ka fiirin jireen inay dilaan; 25 laakiin xertiisii baa habeen qaadday oo derbiga ka sii daysay iyagoo dambiil ku dejinaya.

Sawlos Oo Jooga Yeruusaalem Iyo Tarsos

26 Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay. 27 Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise. 28 Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga; 29 wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan. 30 Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.

31 Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.

Luukos 23:44-56

Ciise Waa Dhintay(A)

44 Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad. 45 Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay. 46 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey. 47 Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa. 48 Dadkii oo dhan oo daawasho isugu yimid, goortay arkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya. 49 Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas dayaya.

Ciise Waa La Aasay(B)

50 Oo bal eeg, waxaa jiray nin Yuusuf la odhan jiray oo taliye ahaa, wuxuuna ahaa nin wanaagsan oo xaq ah, 51 (isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay. 52 Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. 53 Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin. 54 Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay. 55 Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay. 56 Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen.

Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya