Book of Common Prayer
137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
144 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
2 Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
3 Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
5 Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
6 Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
7 Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
8 Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
9 Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.
16 Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.
17 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin. 18 Markaasaa Saa'uul wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Sanduuqii Ilaah halkan keen. Waayo, waagaas sanduuqa Ilaah wuxuu la jiray reer binu Israa'iil. 19 Oo markuu Saa'uul la hadlayay wadaadkii, rabshaddii ku jirtay xerada reer Falastiin ayaa sii adkaatay oo sii badatay; kolkaasaa Saa'uul wuxuu wadaadkii ku yidhi, Gacanta laab. 20 Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn. 21 Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan. 22 Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen. 23 Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
Yoonaataan Oo Cunay Malab
24 Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba. 25 Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab. 26 Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii. 27 Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen. 28 Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen. 29 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan. 30 Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.
Sawlos Oo Dimishaq Jooga
10 Haddaba waxaa Dimishaq joogay nin xer ah oo la odhan jiray Ananiyas; oo Rabbigu wuxuu kula hadlay riyo, isagoo ku leh, Ananiyasow. Isna wuxuu ku yidhi, Waa i kan, Rabbiyow. 11 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye; 12 oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo. 13 Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga; 14 halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan. 15 Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil; 16 maxaa yeelay, waxaan tusi doonaa waxyaalaha waajib ku ah inuu u silco magacaygii dartiis.
17 Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo. 18 Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay; 19 cunto buuna cunay, waana xoogaystay. Haddaba dhawr maalmood ayuu la joogay xertii Dimishaq joogtay.
32 Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
33 Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda. 34 Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen. 35 Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay. 36 Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen, 37 oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi. 38 Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
39 Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi. 40 Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin? 41 Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin. 42 Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado. 43 Wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya