Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 102

Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.

102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
18 Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda,
Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah,
Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
20 Inuu maqlo taaha maxbuuska,
Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
21 Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda,
Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
22 Markii dadyowgu isu soo wada ururaan,
Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
23 Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka,
Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah,
Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay,
Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa,
Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale,
Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba,
Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan,
Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.

Sabuurradii 107:1-32

Kitaabka Shanaad

Sabuurrada 107-150

107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa,
Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah,
Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey,
Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey,
Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
17 Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis,
Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
18 Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta,
Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
19 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
20 Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga,
Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
21 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
22 Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen,
Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.

Samuu'eel Kowaad 9:1-14

Samuu'eel Oo Subkay Saa'uul

Haddaba waxaa jiray nin reer Benyaamiin ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Qiish, oo wuxuu ahaa ina Abii'eel, ina Seroor, ina Bekoorad, ina Afiyax, oo reer Benyaamiin ah, kaasoo ahaa nin xoog leh oo geesi ah. Oo isna wuxuu lahaa wiil la yidhaahdo Saa'uul, oo ahaa nin dhallinyar oo wanaagsan. Oo reer binu Israa'iilna kuma jirin qof isaga ka wanaagsan. Garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaaba way ka dheeraayeen dadka kale oo dhan. Qiish oo ahaa Saa'uul aabbihiis ayaa dameerihiisii ka lumeen. Markaasaa Qiish wuxuu wiilkiisii Saa'uul ku yidhi, midiidinnada midkood kaxee, oo kac, oo dameerihii doondoon. Markaasuu dhex maray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Shaalishaah, laakiinse dameerihii ma ay helin. Markaasay haddana dhex mareen dalkii reer Shacaliim, oo halkaasna ma ay joogin. Oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Benyaamiin, laakiinse halkaasna kama ay helin. Oo markay yimaadeen dalkii reer Suuf, Saa'uul wuxuu midiidinkiisii la socday ku yidhi, Ina keen aan noqonnee, waayo, waaba intaasoo aabbahay dameerihii ka hawo go'aa oo innaga inaga fikiraaye. Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, magaaladan waxaa jooga nin Ilaah, oo isna waxaa weeyaan nin aad loo ciseeyo, oo wax alla wixii uu yidhaahdaaba run bay noqdaan, haddaba bal ina keen aynu u tagnee; mindhaa wax waa inooga sheegi karaa jidka aan mari doonno. Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa? Markaasaa midiidinkii mar kale u jawaabay Saa'uul, oo ku yidhi, Bal eeg, gacanta waxaan ku hayaa rubuc sheqel lacag ah, haddaba kaasaan ninka Ilaah siinayaa inuu jidkeenna inoo sheego aawadeed. (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.) 10 Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay. 11 Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa? 12 Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare. 13 Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii. 14 Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.

Falimaha Rasuullada 7:17-29

17 Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar, 18 tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay. 19 Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan. 20 Muusena wakhtigaasuu dhashay, oo wuxuu ahaa wax qurux badan; oo saddex bilood ayaa gurigii aabbihiis lagu hayay; 21 markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay. 22 Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.

23 Laakiin markuu gaadhay afartan sannadood oo buuxa ayaa waxaa qalbigiisa gashay inuu walaalihiis oo reer binu Israa'iil ahaa soo booqdo. 24 Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay; 25 oo wuxuu u malaynayay in walaalihiis garteen sida Ilaah gacantiisa iyaga ugu samatabbixinayo, laakiin ma ay garan. 26 Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan? 27 Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin? 28 Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay? 29 Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.

Luukos 22:31-38

Butros Dafiriddiisii Horaa Loo Sii Sheegay(A)

31 Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee. 33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba. 34 Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.

35 Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba. 36 Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado. 37 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin. 38 Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya