Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
24 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,
Iyo dunida iyo kuwa degganba.
2 Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
3 Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
7 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu?
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
9 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?
Waa Rabbiga ciidammada,
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo Gitiid lagu luuqeeyo.
84 Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
2 Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa,
Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
3 Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri,
Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho,
Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow,
Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
4 Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan,
Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
5 Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado,
Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
6 Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh,
Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
7 Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan,
Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
8 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal,
Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)
9 Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg,
Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale.
Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa,
Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan,
Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda.
Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
12 Rabbiga ciidammadow,
Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.
16 (waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen, 17 waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,) 18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar, 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo. 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga. 22 Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday, 23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa, 24 markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay? 25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar, 26 oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin, 27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan. 28 Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay. 29 Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno.
Riyadii Lagu Arkay Naagtii Iyo Masduulaagii
12 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah, 2 oo uur bay lahayd; wayna qaylinaysay iyadoo foolanaysa oo xanuunsanaysa oo doonaysa inay umusho. 3 Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj. 4 Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho. 5 Oo waxay umushay ilmo lab; kaas oo loo xugmay inuu quruumaha oo dhan ul bir ah ku xukumo; oo ilmaheediina waxaa kor loogu qaaday xagga Ilaah iyo carshigiisa. 6 Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.
7 Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen; 8 kamana ay adkaan, meeshoodiina mar dambe samada lagama helin. 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
10 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba. 11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho. 12 Haddaba samooyinka iyo kuwa dhex degganow, reyreeya. Waxaase hoogay badda iyo dhulka, maxaa yeelay, waxaa idiin soo degay Ibliiskii, oo aad u cadhaysan, oo weliba garanaya in wakhtigu ku yar yahay.
Dad Badan Baa La Bogsiiyey(A)
29 Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay. 30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
Waxaa Cunto La Siiyey Afar Kun Oo Nin(B)
32 Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane. 33 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan? 34 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah. 35 Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. 36 Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen. 37 Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay. 38 Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin. 39 Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya