Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 45

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.

45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

Sabuurradii 47-48

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

Sharciga Kunoqoshadiisa 12:1-12

Meesha Keli Ah Ee Rabbiga Lagu Caabudo

12 Kuwanu waa qaynuunnada iyo xukummada ay tahay inaad dhawrtaan oo aad ku dhex yeeshaan dalkii Rabbiga Ilaaha awowayaashiin ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan intaad dhulka ku nooshihiin oo dhan. Oo idinku hubaal waa inaad wada baabbi'isaan meelaha ay quruumaha aad hantiyi doontaan ilaahyadooda ugu adeegi jireen oo dhan, meelahaas oo ah kuwa buuraha dhaadheer ku kor yaal, iyo kuwa kuraha ku yaal, iyo kuwa geed kastoo dheer oo doog ah ku hoos yaal. Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka baabbi'isaan. Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn. Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna. Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba. Oo waa inaydaan samayn waxyaalaha aynu maanta halkan ku samaynayno oo dhan kuwaas oo ah waxa nin walba la qumman, waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo. 10 Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan, 11 de markaas meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo in magiciisu ku jiro waa inaad wada keentaan wixii aan idinku amrayo oo dhan, kuwaas oo ah qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meeltobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo wax walba oo wanaagsan oo aad Rabbiga u nidartaan. 12 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona.

2 Korintos 6:3-7:1

Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah; sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.

Qalbifurnaan Iyo Jacayl

11 Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay. 12 Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha. 13 Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.

Waa Laga Gigay In Lala Saaxiibo Kuwa Aan Rumaysnayn Masiix

14 Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17 Sidaa daraaddeed,

Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay,
Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn,
Waanan idin aqbali doonaa.
18 Waxaan idiin ahaan doonaa Aabbe,
Oo idinkuna waxaad ii ahaan doontaan wiilal iyo gabdho,

ayuu Rabbiga Qaadirka ahu leeyahay.

Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.

Luukos 17:11-19

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Toban Nin Oo Baras Qaba

11 Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay. 12 Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay. 13 Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso. 14 Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen. 15 Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay. 16 Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. 17 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii? 18 Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee? 19 Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya