Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 41

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

41 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka,
Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa.
Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa.
Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso,
Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan,
War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa,
Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan,
Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay,
Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay,
Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10 Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji,
Aan iyaga ka aar goostee.
11 Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay,
Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12 Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed,
Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13 Weligiis iyo weligiisba
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil.
Aamiin iyo Aamiin.

Sabuurradii 52

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.

52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.

Sabuurradii 44

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo reer Qorax u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

44 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo
Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay,
Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda,
Oo cududdooduna ma ay badbaadin,
Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga,
Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga,
Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa,
Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo,
Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay,
Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah,
Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay,
Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa,
Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo,
Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa,
Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay,
Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi,
Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal,
Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya,
Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin,
Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon,
Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka,
Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga,
Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn?
Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan,
Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow?
Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa,
Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay,
Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso,
Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 11:13-19

13 Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, 14 de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna. 15 Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan. 16 Haddaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa, oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan, 17 oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo. 18 Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada. 19 Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.

2 Korintos 5:11-6:2

Jacaylka Masiixa Ayaa Na qasba

11 Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno. 12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin. 13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.

Nolosha Cusub

16 Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno. 17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene. 18 Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, 19 taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.

Wacdinta Heshiisiiska

20 Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.

Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, waayo, wuxuu leeyahay,

Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay,
Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey.

Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.

Luukos 17:1-10

Waxoogaa Hadalkii Ciise Ah(A)

17 Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado. In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro. Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi. Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.

Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi. Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa. Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso? Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi? Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray? 10 Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya