Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 132

Gabayga meelokoridda.

132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.

Ishacyaah 11:1-10

Biqilka Ka Soo Bixi Doonaa Yesay

11 Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta, oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono, laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa. Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo. Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.

10 Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.

Cibraaniyada 2:11-18

11 Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, 12 isagoo leh,

Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, 15 iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada. 16 Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. 18 Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya