Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen,
Waayo, adaan ku sugaa.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi
Dhibaatooyinkooda oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Muutlabbeen.
9 Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa,
Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
2 Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa,
Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
3 Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan,
Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay,
Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
5 Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay,
Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
6 Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba',
Oo magaalooyinkii aad afgembidayna
Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
7 Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor,
Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
8 Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa.
Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
9 Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen,
Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey,
Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool,
Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono,
Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan.
Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli,
Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
9 Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda. 10 Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan. 11 Oo idinkuna waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro weyn. 12 Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod. 13 Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah. 14 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.
WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
KORINTOS
Salaan Iyo Mahadnaqid
1 Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga. 2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
3 Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan, 4 kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray. 5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay. 6 Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno. 7 Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh. 8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay. 9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay. 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono; 11 idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
Xernimada Micneheeda
25 Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27 Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo. 28 Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale? 29 Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan, 30 iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay. 31 Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya? 32 Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo. 33 Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo. 34 Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? 35 Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya