Book of Common Prayer
Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.
102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
2 Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
5 Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
6 Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
7 Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
8 Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
9 Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
18 Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda,
Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah,
Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
20 Inuu maqlo taaha maxbuuska,
Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
21 Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda,
Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
22 Markii dadyowgu isu soo wada ururaan,
Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
23 Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka,
Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah,
Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay,
Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa,
Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale,
Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba,
Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan,
Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
5 Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
7 Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
8 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
9 Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa,
Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah,
Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey,
Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey,
Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
17 Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis,
Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
18 Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta,
Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
19 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
20 Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga,
Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
21 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
22 Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen,
Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba. 18 Ma wax yar bay idinla tahay inaad daaq wanaagsan daaqdaan, laakiinse aad daaqa idiin hadha cagaha kula tumataan? iyo inaad biyo saafi ah iska cabtaan, laakiinse aad inta idiin hadha cagaha ku qastaan? 19 Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.
20 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu iyaga ku leeyahay, Aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idaha buurbuuran iyo idaha caatada ah kala xukumi doona. 21 Maxaa yeelay, waxaad iyaga ku riixdaan dhinac iyo garab, oo kuwa cudurka qaba oo dhanna geesihiinnaad ku hardidaan ilaa aad kulligood kala firdhisaan. 22 Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo. 23 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa. 24 Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. 25 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan. 26 Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee. 27 Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 28 Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto. 29 Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan. 30 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin. 31 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idahaygiiyow, idihii daaqsintaydow, waxaad tihiin binu-aadmi, oo aniguna waxaan ahay Ilaahiinna.
Ciise Wadaadnimadiisa Iyo Axdiga Cusub
8 Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira, 2 kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin. 3 Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo. 4 Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay; 5 kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay. 6 Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan. 7 Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen. 8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya,
Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay,
Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale
Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar,
Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii,
Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil
Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay;
Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda,
Qalbigoodana waan ku qori doonaa,
Oo Ilaah baan u ahaan doonaa,
Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa
Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo,
Waayo, kulli way i garan doonaan,
Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa,
Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
Maarta Iyo Maryan
38 Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay. 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay. 40 Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato. 41 Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya