Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay,
Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey,
Kaasoo uu ku amray awowayaasheen,
Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa,
Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan,
Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii,
Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon
Farcan madax adag oo caasi badan,
Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn,
Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
9 Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita
Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
10 Axdigii Ilaah ma ay xajin,
Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
11 Oo waxay illoobeen falimihiisa
Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey,
Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey,
Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur,
Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada,
Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro,
Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan,
Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda
Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen
Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay,
Haddaba miyuu kibisna bixin karaa?
Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday,
Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay,
Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan,
Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare
Oo albaabbadii samadana wuu furay;
24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan,
Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha,
Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari,
Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale,
Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda,
Iyo rugahooda hareerahooda.
29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen,
Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin,
Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday,
Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa,
Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
32 In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen,
Weli way sii dembaabeen,
Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
33 Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn,
Cimrigoodiina cabsi.
34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen,
Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa,
Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda,
Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn,
Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii,
Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey,
Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
39 Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi,
Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
40 Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen,
Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah,
Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
42 Sooma ay xusuusan gacantiisii,
Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
43 Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey,
Yaababkiisiina berrinkii Socan.
44 Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay,
Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen,
Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
46 Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir,
Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale,
Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha,
Adhyahoodiina danabyo kulul.
49 Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa,
Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib,
Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
50 Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey,
Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan,
Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
51 Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan,
Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya,
Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen,
Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare,
Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday,
Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey,
Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo,
Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef,
Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay,
Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef,
Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay,
Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey,
Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf,
Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah,
Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare,
Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud,
Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay,
Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa,
Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
11 Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo, 12 oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan, 13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan, 14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey. 16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo, 17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay. 19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan. 20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
16 Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow. 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho. 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
Cibaadada Runta Ah
19 Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo; 20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah. 21 Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara. 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya. 23 Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya. 24 Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa. 25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa. 26 Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn. 27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
Tukashaduu Ciise Xertiisa Baray(A)
11 Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray. 2 Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado. 3 Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii. 4 Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
Tukasho Joojinla'aan Ah Iyo Masaalka Ku Saabsan Saaxiibkii Saqdadhexe Yimid(B)
5 Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi, 6 waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo. 7 Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo. 8 Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay. 9 Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa. 10 Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa. 11 Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya? 12 Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya? 13 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya