Book of Common Prayer
106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii,
Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen,
Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen,
Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse
Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan,
Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay,
Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen,
Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen
Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa,
Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam,
Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa.
Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay,
Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa,
Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen,
Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga,
Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda,
Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor,
Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen,
Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun,
Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo
U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda,
Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii,
Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in,
Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii,
Shuqulladoodiina way barteen,
36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii,
Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda
Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan,
Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen,
Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday,
Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha,
Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay,
Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey,
Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii,
Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii,
Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii,
Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay
Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi,
Oo quruumaha naga soo dhex ururi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.
Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin.
Rabbiga ammaana.
13 Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14 Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay. 16 Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa. 18 Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay. 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20 Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo. 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga. 23 Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.
Yayros Gabadhiis Iyo Naagtii Dhiigbixidda Qabtay(A)
40 Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen. 41 Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo. 42 Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.
43 Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa, 44 ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay. 45 Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. 46 Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay. 47 Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay. 48 Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.
49 Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin. 50 Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa. 51 Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee. 52 Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa. 53 Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay. 54 Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. 55 Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada. 56 Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya