Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd,
Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn,
Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo,
Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya,
Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
Kitaabka Labaad
Sabuurrada 42-72
Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
42 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
6 Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
7 Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
8 Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
9 Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
3 Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
16 Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona. 17 Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel. 18 Dabadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay. 19 Boqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada. 20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo? 21 Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow. 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin. 23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey. 24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
25 Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato. 26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta. 27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada. 28 Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
WARQADDII SADDEXAAD EE RASUUL
YOOXANAA
Gayos Waa Loo Bogay
1 Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.
2 Gacaliyow, waxaan kuugu duceeyaa inaad wax kasta ku liibaantid oo aad caafimaad qabtid siday naftaadu u liibaansan tahay. 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid. 4 Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan.
5 Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba. 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo; 7 maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn. 8 Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.
Khilaaf Baa Kiniisadda Ku Jiray
9 Wax baan kiniisadda u soo qoray, laakiinse Diyotrefees oo jecel inuu iyaga ka sarreeyo, na aqbali maayo. 10 Sidaas daraaddeed, haddaan imaado, waxaan xusuusin doonaa shuqulladiisa uu sameeyo isagoo hadallo xunxun nagu shubaya. Taasu kuma filla isaga, mana aqbalo walaalaha, kuwii aqbali lahaana wuu u diidaa, kiniisaddana wuu ka eryaa. 11 Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin. 12 Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.
13 Waxaan hayay waxyaalo badan oo aan kuu soo qoro, laakiinse dooni maayo inaan qalin iyo khad kuugu soo qoro. 14 Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.
Nabadu ha kula jirto. Saaxiibbadii way ku soo salaamayaan. Saaxiibbada igu salaan mid kasta intaad magiciisa ugu yeedhid.
U Yeedhidda Laawi(A)
27 Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. 28 Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay. 29 Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga. 30 Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadoodii, intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan? 31 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 32 Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.
Wax Soonka Ku Saabsan(B)
33 Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan. 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo? 35 Laakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan. 36 Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah. 37 Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan. 38 Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub. 39 Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya