Book of Common Prayer
105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Markay dad tiro yar ahaayeen,
Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen,
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo,
Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray,
Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago,
Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday
Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay,
Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa,
Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba,
Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii,
Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay,
Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig,
Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii
Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan
Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale,
Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba,
Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax,
Iyo diir aan la tirin karin,
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil,
Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan,
Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.
Daanyeel Oo Ku Jiray Bohoshii Libaaxyada
6 Daariyus waxaa la wanaagsanaa inuu boqortooyadiisa u yeelo boqol iyo labaatan amiir, oo boqortooyada oo dhan wada gaadha; 2 oo wuxuu iyagii ka sara mariyey saddex taliye, oo Daanyeel ka mid ahaa; inay amiirradu iyaga la xisaabtamaan, oo aan boqorka khasaare ku dhicin. 3 Markaasaa Daanyeel laga soocay taliyayaashii iyo amiirradii, maxaa yeelay, waxaa isaga ku jiray ruux aad u wanaagsan; boqorkiina wuxuu ku fikiray inuu talada boqortooyada oo dhan u dhiibo. 4 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii waxay doondooneen sabab ay Daanyeel ku dacweeyaan oo xagga boqortooyada ku saabsan; laakiinse way waayeen sabab iyo xumaan toona; maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa aamin, oo qalad iyo xumaan toona lagama helin. 5 Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa. 6 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow. 7 Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada. 8 Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii. 10 Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray. 11 Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis. 12 Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin. 13 Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa. 14 Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo. 15 Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.
WARQADDII LABAAD EE RASUUL
YOOXANAA
Runta Iyo Jacaylka
1 Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan, 2 runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed. 3 Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.
4 Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay. 5 Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno. 6 Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan. 7 Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah. 8 Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan. 9 Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay. 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina, 11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.
12 In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
13 Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.
Baraslihii La Bogsiiyey(A)
12 Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa. 13 Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay. 14 Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee. 15 Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo. 16 Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.
Curyaankii La Bogsiiyey(B)
17 Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka. 18 Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan. 19 Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa. 20 Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin. 21 Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee? 22 Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan? 23 Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco? 24 Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 25 Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya. 26 Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya