Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
37 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood,
Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
2 Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale,
Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee,
Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
4 Haddaba Rabbiga ku farax,
Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
5 Jidkaaga Rabbiga ku aamin,
Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale,
Gartaadana sida duhurka oo kale.
7 Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug,
Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan
Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
8 Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag,
Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
9 Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10 Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono,
Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan,
Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah,
Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga,
Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen,
Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan,
Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda,
Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa
Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan,
Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda,
Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro,
Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan,
Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga,
Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21 Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe,
Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22 Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona,
Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga,
Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono,
Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay,
Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey,
Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa,
Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee,
Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda,
Mana uu dayrsho quduusiintiisa,
Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa,
Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan,
Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda,
Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa,
Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah,
Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo,
Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji,
Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho,
Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan,
Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag,
Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman,
Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan,
Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.
13 Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay? 14 Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan. 15 Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa. 16 Laakiinse waxaa la iiga kaa sheegay inaad wax fasiri kartid, shakigana saari kartid; haddaba haddaad farta akhriyi kartid oo aad fasirkeeda caddayn kartid, waxaa lagu xidhi doonaa dhar guduudan, waxaad qoortana ku qabi doontaa silsilad dahab ah, oo waxaad noqon doontaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.
17 Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.
18 Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo, 19 oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey. 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday. 21 Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.
22 Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd; 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin; 24 dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.
25 Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.
26 Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey. 27 TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday. 28 FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris. 29 Markaasaa Beelshaasar amar bixiyey, oo waxay Daanyeel u xidheen dhar guduudan, qoortana waxaa loo geliyey silsilad dahab ah, markaasaa la naadiyey inuu noqonayo taliyaha saddexaad oo boqortooyada. 30 Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.
Dhammaadka
13 Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. 14 Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, 15 oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay. 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado. 17 Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.
18 Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto. 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. 21 Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.
Wuxuu U Yeedhay Xertiisii U Horraysay(A)
5 Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared; 2 oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen. 3 Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii. 4 Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan. 5 Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa. 6 Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen. 7 Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan. 8 Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag. 9 Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen. 10 Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa. 11 Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya