Book of Common Prayer
95 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
2 Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
3 Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
4 Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
5 Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
6 Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
7 Waayo, isagu waa Ilaaheen,
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.
Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
9 Markay awowayaashiin i jirrabeen,
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay
Inaanay nasashadayda gelin.
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Maxalad Lecannod. Oo waa Maskiil tacliin ah oo Heemaankii reer Cesraax.
88 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow,
Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
2 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo qayladayda dhegta u dhig,
3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin,
Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska,
Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
5 Oo meydadka lagu dhex tuuray,
Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal,
Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn,
Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
6 Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya,
Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
7 Cadhadaadii baa igu soo degtay,
Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay,
Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda.
Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
9 Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed,
Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay,
Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10 Ma yaabab baad tusaysaa meydadka?
Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11 Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa?
Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12 Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa?
Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14 Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa?
Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15 Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba,
Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay,
Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17 Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale,
Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
18 Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay,
Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
6 Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.
92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
5 Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
6 Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
8 Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
9 Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
Axdigii Waa La Jebiyey
11 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, 2 Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal. 3 Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan 4 ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa, 5 si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
6 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela. 7 Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca. 8 Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
14 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
15 Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa. 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen. 17 Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
Yeremyaah Oo La Shirqoolay
18 Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay. 19 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan. 20 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.
Masiix Lammidnimadiisu Ma Raaci Karto Dembiga
6 Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato? 2 Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa? 3 Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa? 4 Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno. 5 Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa. 6 Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga. 7 Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay. 8 Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno. 9 Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso. 10 Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay. 11 Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
33 Waxay ugu jawaabeen, Farcankii Ibraahim baannu nahay, oo weligayo addoommo ninna uma ahayn. Maxaad u leedahay, Waa laydin xorayn doonaa? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga. 35 Oo addoonkuna guriga kuma sii jiro, wiilkuse waa ku sii jiraa weligiis. 36 Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan. 37 Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto. 38 Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen. 39 Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen. 40 Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin. 41 Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah. 42 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray. 43 Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane. 44 Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed. 45 Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen. 46 Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan? 47 Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya