Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.
70 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan
Ha ceeboobeen oo ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,
Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,
Ilaahow, ii soo dhaqso,
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.
Rabbiyow, ha iga raagin.
71 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Yaanan weligay wareerin.
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli,
Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo,
Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho,
Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa,
Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda,
Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay,
Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday,
Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh,
Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona
Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 Ha i tuurin markaan gaboobo,
Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan,
Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey,
Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 Ilaahow, ha iga fogaan,
Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een,
Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa,
Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada,
Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh,
Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii,
Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo,
Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe
Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa,
Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey,
Bal yaa kula mid ah?
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun,
Ayaa haddana na noolayn doona,
Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 Weynaantayda ii sii kordhi,
Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah,
Oo runtaadaan ammaani doonaa,
Israa'iil kiisa Quduuska ahow,
Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo,
Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada,
Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
74 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay?
Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
2 Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay,
Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay,
Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
3 Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah,
Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa,
Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan
Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen,
Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee,
Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
9 Annagu calaamadahayagii ma aragno,
Oo innaba mar dambe nebi ma jiro,
Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa?
Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa?
Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore,
Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
13 Xooggaagaad badda ku kala qaybisay,
Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
14 Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray,
Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
15 Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro,
Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh,
Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan,
Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay,
Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga,
Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
20 Bal soo fiiri axdigaaga,
Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay,
Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac.
Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada,
Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
9 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan. 10 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, sida xaqiiqada ah dadkan iyo Yeruusaalemba aad iyo aad baad u khiyaanaysay, waayo, iyagoo seefi naftooda soo gaadhaysa ayaad ku tidhaahdaa, Nabad baad helaysaan.
19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka. 20 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen. 21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa? 22 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
23 Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn. 24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen. 25 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen. 26 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed. 27 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo. 28 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
12 In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa; 13 waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa. 14 Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci. 15 Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo, 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
17 Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid, 18 oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray, 19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira, 20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis? 24 Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.
Ciise Wuxuu Caddeeyey Inuu Aabbihiis Isku Halleeyo
19 Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa. 20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan. 21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo. 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha. 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya