Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 72

Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.

72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad,
Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan;
Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa;
Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan,
Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda,
Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale,
Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa,
Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto;
Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga,
Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba,
Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto.
Aamiin iyo Aamiin.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.

Sabuurradii 119:73-96

YOD.

73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga,
Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan,
Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin,
Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin
Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado,
Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen,
Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen,
Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado,
Si aanan u ceeboobin.

KAF.

81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed,
Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa?
Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro,
Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee?
Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn
Ayaa ii qoday godad.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad,
Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen,
Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
88 Raxmaddaada igu soo noolee,
Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.

LAMED.

89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab;
Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan,
Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin,
Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono,
Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan,
Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin,
Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.

Yeremyaah 3:6-18

Iimaanla'aantii Reer Binu Israa'iil

Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday. Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay. Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday. Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah. 11 Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah. 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay. 15 Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho. 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono. 17 Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah. 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.

Rooma 1:28-2:11

28 Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn, 29 iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa, 30 iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah, 31 iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn. 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.

Yuhuuddu Waa Gardarantahay

Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto? Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa, kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga. 10 Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga; 11 maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.

Yooxanaa 5:1-18

Curyaankii War Beytesda Ag Joogay

Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay. Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan. Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay. Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato? Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday.

Maalintaas waxay ahayd sabtidii. 10 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid. 11 Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco. 12 Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco? 13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.

14 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin. 15 Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa. 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii. 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya