Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
7 Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
8 Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
9 Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.
59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2 Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3 Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6 Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
7 Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8 Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.
60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
2 Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
3 Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
9 Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3 Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood
46 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
5 Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
23 Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan. 24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen. 25 Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa. 26 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay. 27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda, 28 waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo. 29 Laakiin iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad xooggaaga weyn iyo cududdaada fidsan ku soo bixisay.
Looxyo La Mid Ah Kuwii Hore
10 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo buurta iigu kaalay, oo waxaad kaloo samaysataa sanduuq qori ah. 2 Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa. 3 Sidaas daraaddeed waxaan sanduuq ka sameeyey qori qudhac, oo waxaan soo qoray laba loox oo dhagax ah oo u eg kuwii hore, markaasaan buurta fuulay anigoo labadii loox gacmaha ku sida. 4 Oo isna wuxuu looxyadii ku qoray qorniinkii kuwii hore ku yiil oo kale, kaasoo ahaa tobankii qaynuun oo Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga, markaasaa Rabbigu iyagii i siiyey. 5 Oo markaasaan jeestay oo buurtii ka soo degay, oo looxyadiina waxaan ku dhex riday sanduuqii aan sameeyey, oo halkaasay ku jiraan, sidii Rabbigu igu amray.
Nasashada Ilaah Dadkiisa Siiyo
4 Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. 2 Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin. 3 Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi,
Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan,
in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida. 4 Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. 5 Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
6 Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed. 7 Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi,
Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina.
8 Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale. 9 Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho. 10 Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.
16 Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. 17 Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga. 18 Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay. 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya