Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
41 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka,
Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
2 Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa.
Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa.
Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
4 Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso,
Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
5 Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan,
War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
6 Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa,
Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
7 Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan,
Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
8 Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay,
Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
9 Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay,
Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10 Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji,
Aan iyaga ka aar goostee.
11 Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay,
Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12 Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed,
Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13 Weligiis iyo weligiisba
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil.
Aamiin iyo Aamiin.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.
52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo reer Qorax u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
44 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo
Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
2 Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay,
Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda,
Oo cududdooduna ma ay badbaadin,
Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga,
Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga,
Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa,
Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo,
Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay,
Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
8 Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah,
Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay,
Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa,
Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo,
Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa,
Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay,
Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi,
Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal,
Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya,
Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin,
Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon,
Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka,
Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga,
Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn?
Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan,
Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow?
Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa,
Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay,
Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso,
Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
Caasinimadii Reer Binu Israa'iil
48 Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. 2 Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada. 3 Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen. 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay, 5 sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay. 6 Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon. 7 Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin. 8 Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen. 9 Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed. 10 Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada. 11 Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
GALATIYA
Salaan
1 Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay. 2 Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya. 3 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix, 4 kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah. 5 Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Bawlos Wuxuu Ka Qalbi Jabay Dadka Galatiya
6 Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale, 7 oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan. 8 Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado. 9 Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado. 10 Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
Bawlos Wuxuu Injiilka Ka Helay Masiixa, Laakiin Dadka Kama Helin
11 Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka. 12 Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix. 13 Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray. 14 Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay. 15 Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay 16 inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan. 17 Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.
Yayros Gabadhiisii Iyo Naagtii Dhiigbixidda Qabtay(A)
21 Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay. 22 Waxaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday, 23 oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato. 24 Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.
25 Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay. 26 Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay. 27 Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay. 28 Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa. 29 Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay. 30 Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay? 31 Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay? 32 Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay. 33 Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay. 34 Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.
35 Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa? 36 Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso. 37 Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee. 38 Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya. 39 Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa. 40 Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay. 41 Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac. 42 Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen. 43 Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya