Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 63

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Sabuurradii 98

Sabuur

98 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan,
Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii,
Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil,
Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya,
Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta,
Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya
Turumbooyin iyo buunan.
Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen,
Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
Webiyadu ha sacbiyeen,
Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo,
Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana caddaalad.

Sabuurradii 103

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

103 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan,
Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo,
Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii,
Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan,
Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
Isagu had iyo goor wax canaanan maayo,
Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen,
Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso,
Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka,
Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale
Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay,
Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale,
Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa,
Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba,
Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya
Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka,
Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya
Oo codka hadalkiisa maqlow,
Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow,
Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana
Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba,
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

Ishacyaah 47

Dhiciddii Baabuloon

47 Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan. Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub. Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono. Bixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka. Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay. Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.

Haddaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono. Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay. 10 Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto. 11 Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon. 12 Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay. 13 Waxaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona. 14 Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto. 15 Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

Cibraaniyada 10:19-31

Dhiirrigelinta Iyo Digidda

19 Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise, 20 oo ah waddo cusub oo nool oo uu inooga banneeyey daaha, kaas oo ah jidhkiisa. 21 Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah. 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah. 23 Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin. 24 Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan. 25 Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.

26 Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada? 30 Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa. 31 Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.

Yooxanaa 5:2-18

Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan. Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay. Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato? Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday.

Maalintaas waxay ahayd sabtidii. 10 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid. 11 Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco. 12 Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco? 13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.

14 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin. 15 Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa. 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii. 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya