Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
28 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa,
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin,
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto,
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado,
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh,
Iyo xumaanfalayaasha
Oo deriskooda nabadda kula hadla,
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay,
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay,
Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe,
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii
Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga,
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey,
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey,
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog,
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee,
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Kanu waa sabuur uu Daa'uud oo ahaa addoonkii Rabbiga u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
36 Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa,
Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin
Oo aan la nebcaanayn.
3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano,
Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan,
Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn,
Oo weliba sharka ma naco.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
12 Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen,
Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
9 Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan. 10 Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn? 11 Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan. 12 Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa. 13 Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo. 14 Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa. 15 Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa. 16 Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay. 17 Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga. 18 Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan. 19 Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis? 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
Noloshii Hore Iyo Tan Cusub
17 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda. 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah. 19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan. 20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran, 21 hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto. 22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada; 23 oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna, 24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
Amarrada Ku Saabsan Nolosha Masiixiyiinta
25 Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa. 26 Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan. 27 Ibliiskana meel ha siinina. 28 Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan. 29 Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla. 30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada. 31 Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba; 32 oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.
19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
Ciise Iyo Be'elsebul(A)
20 Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan. 21 Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay. 22 Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa. 23 Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa? 24 Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto. 25 Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono. 26 Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho. 27 Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa. 28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan; 29 laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; 30 waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
Walaalnimada Runta Ah(B)
31 Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha. 32 Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan. 33 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay? 34 Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! 35 Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya