Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 148-150

148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.

149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.

150 Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.

Sabuurradii 114-115

114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.

115 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan,
Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato,
Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
Bal maxay quruumuhu u odhanayaan,
Haddaba Ilaahoodu meeh?
Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa,
Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan,
Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan,
Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa,
Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa,
Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada,
Yar iyo weynba.
14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo,
Idinka iyo carruurtiinnaba.
15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka
Ayaa idin barakeeyey.
16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga,
Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan,
Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa
Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Rabbiga ammaana.

Ishacyaah 43:14-44:5

Naxariistii Ilaah Iyo Iimaanla'aantii Reer Binu Israa'iil

14 Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka aawadiin ayaan Baabuloon ugu cid diray, oo kuweedii cararay oo dhanna, kuwaasoo ahaa reer Kaldayiin, waxaan ku keeni doonaa doonniyaha ay ku faani jireen. 15 Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna. 16 Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya, 17 kan gaadhifaraska iyo faraska, iyo ciidanka iyo ninka xoogga badan soo bixiya, iyagu dhammaantood way wada jiifsadaan, oo mana ay kici doonaan, way bakhtiyeen, oo waxay u dameen sidii dubaalad oo kale. 18 Waxyaalihii hore ha xusuusanina, waxyaalihii qadiimka ahaana ha ka fikirina. 19 Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa. 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay, 21 oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan. 22 Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen. 23 Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan. 24 Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii. 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono. 26 Bal wax i soo xusuusiya, aynu isla muddacnee, dacwadiinna soo caddeeya, si aad xaq ku noqotaan. 27 Awowgiinnii hore wuu dembaabay, oo macallimiintiiniina way igu xadgudbeen. 28 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan amiirradii meesha quduuska ah ka dhigi doonaa wax nijaas ah, reer Yacquubna habaar baan u dayn doonaa, oo dadka Israa'iilna cay baan u dayn doonaa.

Reer Binu Israa'iil Ee La Doortay

44 Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla. Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina. Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal. Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.

Cibraaniyada 6:17-7:10

17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, 19 tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya, 20 meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

Ciise Wuxuu Ahaa Wadaad Sare Sidii Malkisadaq Oo Kale

Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey. Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda. Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii. Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim. Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday. Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan. Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay. Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey. 10 Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.

Yooxanaa 4:27-42

27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada? 28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii, 29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa? 30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii. 31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo. 35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska. 36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. 37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa. 38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.

39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. 40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood. 41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis, 42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya