Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab la afuufo oo muusika ah.
5 Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig,
Oo ka fiirso fikirradayda.
2 Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda,
Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa,
Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
4 Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa,
Oo shar adiga kula jiri maayo.
5 Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo,
Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
6 Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla,
Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
7 Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa,
Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
8 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami,
Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto,
Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan,
Hungurigooduna waa qabri af bannaan,
Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10 Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri,
Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een,
Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga,
Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen,
Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga,
Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
12 Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa,
Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.
6 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6 Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
2 Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3 Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4 Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5 Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7 Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
8 Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
9 Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3 Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
25 Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo? 26 Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.
27 Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo? 28 War miyaadan ogayn? Oo miyaadan maqlin in Ilaaha daa'imka ah oo ah Rabbiga ah Uumaha dhulka darafyadiisa uusan itaal darnaan ama uusan daalin? Waxgarashadiisana lama baadhi karo. 29 Isagu kuwa itaalka daran xoog buu siiyaa, oo kuwa aan tabarta lahaynna tabar buu u kordhiyaa. 30 Xataa dhallinyaradu way itaal darnaan doonaan, oo daali doonaan, oo barbaarraduna aad bay u dhici doonaan. 31 Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.
Bawlos Baryadiisii
15 Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed 16 ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa, 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin. 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta, 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
Bilowgii Wacdiga Ciise(A)
14 Kolkii Yooxanaa la qabtay dabadeed, Ciise wuxuu yimid Galili, oo wuxuu dadka ku wacdiyey injiilka Ilaah, 15 wuxuuna yidhi, Wakhtigii waa buuxsamay, oo boqortooyadii Ilaah waa soo dhowaatay; toobadkeena oo injiilka rumaysta.
Ciise Wuxuu U Yeedhay Xertiisii U Horraysay(B)
16 Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta. 17 Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 18 Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen. 19 Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya. 20 Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.
Ciise Wuxuu Kafarna'um Ku Bogsiiyey Jinnoole(C)
21 Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay [a]sunagogga oo dadka wax baray. 22 Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada. 23 Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi, 24 Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah. 25 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. 26 Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay. 27 Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan. 28 Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya