Book of Common Prayer
104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.
Sannaddii Barakada Rabbiga
61 Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo. 4 Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray. 5 Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya. 6 Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan. 7 Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah. 8 Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah. 9 Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.
23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.
Waxa Rumaysadka Ka Yimaada
25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay, 5 inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo. 6 Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow. 7 Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya