Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
7 Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
8 Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
9 Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.
59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2 Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3 Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6 Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
7 Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8 Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.
60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
2 Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
3 Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
9 Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
33 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya,
Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
2 Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad,
Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
3 Gabay cusub isaga ugu gabya,
Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
4 Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay,
Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
5 Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad,
Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
6 Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa,
Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
7 Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale,
Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
8 Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen,
Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
9 Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay,
Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa,
Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa,
Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.
18 Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah. 19 Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo. 20 Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa. 21 Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
10 Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora, 2 inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan. 3 Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magangeli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan? 4 Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
10 khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan. 11 Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan. 12 Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan. 13 Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda. 14 Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed. 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.
Yooxanaa Baabtiisaha Iyo Farriintii Uu Waday(A)
3 Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh, 2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 3 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi,
Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya,
Jidka Rabbiga hagaajiya,
Waddooyinkiisa toosiya.
4 Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed. 5 Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan, 6 markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.
7 Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa. 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya