Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
41 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka,
Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
2 Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa.
Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa.
Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
4 Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso,
Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
5 Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan,
War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
6 Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa,
Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
7 Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan,
Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
8 Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay,
Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
9 Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay,
Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10 Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji,
Aan iyaga ka aar goostee.
11 Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay,
Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12 Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed,
Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13 Weligiis iyo weligiisba
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil.
Aamiin iyo Aamiin.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.
52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo reer Qorax u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
44 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo
Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
2 Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay,
Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda,
Oo cududdooduna ma ay badbaadin,
Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga,
Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga,
Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa,
Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo,
Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay,
Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
8 Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah,
Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay,
Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa,
Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo,
Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa,
Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay,
Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi,
Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal,
Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya,
Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin,
Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon,
Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka,
Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga,
Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn?
Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan,
Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow?
Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa,
Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay,
Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso,
Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
16 Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee. 17 Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa. 18 Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.
19 Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood? 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono. 21 Oo iyagoo dhibaataysan oo gaajaysan ayay dalka dhex mari doonaan, oo markay gaajoodaan ayay isku xanaaqi doonaan, oo waxay habaari doonaan boqorkooda oo wax xun Ilaahooda ka sheegi doonaan, xagga sarena way u jeedsan doonaan, 22 dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
Ilmo Baa Inoo Dhashay
9 Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.
WARQADDII LABAAD EE RASUUL
BUTROS
Salaan
1 Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 2 Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.
Masiixiyiinta Dabiicaddooda
3 Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa. 4 Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka. 5 Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon, 6 aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado, 7 cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl. 8 Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey. 10 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan. 11 Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.
Ciise Wuxuu Ku Tukaday Beer Getsemane(A)
39 Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday. 40 Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. 41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday, 42 isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. 43 Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. 44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya. 45 Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. 46 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
Ciise Waa La Qabtay(B)
47 Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. 48 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho? 49 Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa? 50 Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay. 51 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey. 52 Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay? 53 Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya