Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 16-17

Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.

16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

Baryootankii Daa'uud.

17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

Sabuurradii 22

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.

22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan,
Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan,
Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan,
Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona,
Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan
Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.

Ishacyaah 3:8-15

Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan. Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen. 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda. 11 Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale. 12 Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto. 13 Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo. 14 Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan. 15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

1 Tesaloniika 4:1-12

Waano

Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan. Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin. Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan, in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus, mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin; inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay. Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan. Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.

Laakiinse xagga jacaylka walaalaha loo qabo uma aad baahnidin in wax laydiin soo qoro, maxaa yeelay, idinka qudhiinnaba Ilaah baa idin baray in midkiinba midka kale jeclaado. 10 Waayo, sidaasaad jeceshihiin kulli walaalaha jooga Makedoniya oo dhan. Laakiin waxaannu idinku waaninaynaa, walaalayaalow, inaad intaas aad uga sii badisaan, 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay; 12 inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

Luukos 20:41-21:4

Wax Masiixa Ku Saabsan(A)

41 Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud? 42 Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh,

Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso,
43 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

44 Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?

Waano Culimmada Ka Gees Ah(B)

45 Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi, 46 Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha, 47 kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

Sadaqada Carmalku Macbudka Ku Bixisay(C)

21 Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya. Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa. Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya