Book of Common Prayer
ALEF
119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
4 Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
6 Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.
BED
9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa?
Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan,
Yaanan amarradaada ka leexan.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday
Si aanan kuugu dembaabin.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay
Xukummadii afkaaga oo dhan.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga,
Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada,
Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa,
Eraygaagana ma illoobi doono.
GIMEL.
17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado,
Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
18 Indhahayga fur
Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
19 Socotaan dhulka ku ahay,
Haddaba amarradaada ha iga qarin.
20 Naftaydu waxay u xiisootay
Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran,
Oo amarrada ka leexda.
22 Cay iyo ceeb iga fogee,
Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay,
Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya,
Waana lataliyayaashayda.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.
12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
13 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa,
Anigoo maalinta oo dhan calool xun?
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab,
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
4 Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday,
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
5 Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada,
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
6 Rabbigaan u gabyi doonaa,
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
5 Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Buurtii Rabbiga
2 Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
2 Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan. 3 Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem. 4 Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
5 Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
Maalinta Rabbiga
6 Waad ka tagtay dadkaagii reer Yacquub, maxaa yeelay, waxay ka buuxsameen waxyaalihii bariga, oo waa faaliyayaal sida reer Falastiin, oo waxay la heshiiyaan dad shisheeyayaal ah. 7 Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
8 Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen. 9 Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.
10 Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.
11 Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
Silec
13 Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan. 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda, 15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah. 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
Bawlos Wuxuu Doonayay Inuu Mar Kale Kiniisadda Soo Booqdo
17 Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna; 18 waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday. 19 Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha? 20 Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.
19 Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
Wax Ku Saabsan Cashuurta Kaysar La Siinayo(A)
20 Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha. 21 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid. 22 Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin? 23 Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi, 24 Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh. 25 Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. 26 Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya