Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 106

106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii,
Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen,
Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen,
Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse
Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan,
Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay,
Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen,
Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen
Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa,
Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam,
Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa.
Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay,
Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa,
Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen,
Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga,
Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda,
Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor,
Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen,
Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun,
Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo
U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda,
Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii,
Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in,
Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii,
Shuqulladoodiina way barteen,
36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii,
Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda
Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan,
Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen,
Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday,
Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha,
Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay,
Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey,
Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii,
Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii,
Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii,
Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay
Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi,
Oo quruumaha naga soo dhex ururi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.
Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin.
Rabbiga ammaana.

Sekaryaah 10

Rabbigu Wuu Daryeeli Doonaa Yahuudah

10 Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog. Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh. Adhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira. Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa. Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan. Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga. Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga. Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen. Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan. 10 Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono. 11 Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa. 12 Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Galatiya 6:1-10

Waano

Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin. Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa. Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa. Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara. Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin. 10 Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

Luukos 18:15-30

Ciise Wuxuu UDuceeyey Carruur Yaryar(A)

15 Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen. 16 Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. 17 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

Nolosha Weligeed Ah Iyo Ninkii Maalka Jeclaa(B)

18 Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 20 Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 21 Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray. 22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac. 23 Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa. 24 Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan, 25 waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso. 26 Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan. 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya