Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
101 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid,
Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya,
Bal goormaad ii iman doontaa?
Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono,
Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda,
Oo innaba iguma dhegi doono.
4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa,
Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa,
Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed,
Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono,
Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan,
Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
109 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba,
Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan,
Oo sababla'aan bay igula dirireen.
4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin,
Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
5 Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan,
Jacaylna nacayb.
6 Nin shar leh ka sarraysii isaga,
Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
7 Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay,
Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
8 Cimrigiisu ha yaraado,
Jagadiisana mid kale ha qaato.
9 Carruurtiisu ha agoontoobeen,
Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen,
Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan,
Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa,
Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 Farcankiisu ha baabba'o,
Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto,
Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba,
Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto
Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan,
Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay,
Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda,
Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale,
Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado,
Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan,
Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel,
Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya,
Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan,
Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay,
Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi,
Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada,
Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee,
Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen,
Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga,
Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
CAYN.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
FE.
129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
SADE.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay,
Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo
Iyo daacadnimo oo dhan.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo,
Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay,
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa,
Laakiinse amarradaada ma illoobo.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa,
Oo sharcigaaguna waa run.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday.
Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq,
Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
MALAAKII
1 Kanu waa warka culus ee Eraygii Rabbiga oo Malaakii loogu soo dhiibay dadka dalka Israa'iil.
Allabaryo Iin Leh
6 Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay? 7 Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado. 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa? 9 Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay. 10 Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo. 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda. 12 Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado. 13 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah? 14 Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.
Xigmadda Beenta Ah Iyo Tan Runta Ah
13 Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda. 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
Kadigidda Saaxiibnimada Dunida
4 Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan. 3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood. 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa. 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye. 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo. 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
11 Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma. 12 Waa mid keliya kan sharciga bixiyaa oo wax xukumaa, oo waa kan kara inuu wax badbaadiyo oo uu wax dumiyo. Laakiin adigu yaad tahay, kan deriskiisa xukumow?
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Toban Nin Oo Baras Qaba
11 Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay. 12 Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay. 13 Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso. 14 Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen. 15 Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay. 16 Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. 17 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii? 18 Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee? 19 Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya