Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.
72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad,
Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan;
Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa;
Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan,
Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda,
Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale,
Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa,
Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto;
Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga,
Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba,
Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto.
Aamiin iyo Aamiin.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
YOD.
73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga,
Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan,
Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin,
Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin
Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado,
Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen,
Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen,
Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado,
Si aanan u ceeboobin.
KAF.
81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed,
Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa?
Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro,
Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee?
Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn
Ayaa ii qoday godad.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad,
Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen,
Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
88 Raxmaddaada igu soo noolee,
Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
LAMED.
89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab;
Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan,
Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin,
Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono,
Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan,
Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin,
Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
16 Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.
2 Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
3 Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.
4 Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig. 5 Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay; 6 waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan. 7 Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.
8 Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto. 9 Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.
10 Oo tii shanaadna waxay fijaankeedii ku shubtay carshigii bahalka; boqortooyadiisiina way madoobaatay, oo iyana xanuun aawadiis ayay carrabkoodii la ruugeen, 11 oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.
Maalin Sabti Ah Naag Baa La Bogsiiyey
10 Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay. 11 Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso. 12 Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay. 13 Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay. 14 Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah. 15 Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo? 16 Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas? 17 Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya