Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 131-135

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

Gabayga meelokoridda.

132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.

Gabayga meelokoridda.

134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.

135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.

Miikaah 3:1-8

Hoggaamiyayaal Iyo Nebiyo La Canaantay

Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin? Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan. Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro. Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen. Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin. Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga. Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid. Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.

Falimaha Rasuullada 24:1-23

Bawlos Waxaa Xukun Loo Hor Joojiyey Taliye Feelikos

24 Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah. Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi,

Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan. Annaguna si walba iyo meel walba ayaannu ku aqbalnaa, adigan Feelikos ah oo sharafka weyn lahow, oo aad iyo aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa. Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray. Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta; oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan. Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii, oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan. Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

10 Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi.

Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa. 11 Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey. 12 Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada. 13 Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan. 14 Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada. 15 Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan. 16 Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba. 17 Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno. 18 Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid 19 kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan. 20 Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay, 21 haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

Feelikos Baa Xaajadii Dib U Dhigay

22 Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa. 23 Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

Luukos 7:36-50

Cagasubkintii Ciise Iyo Masaalka Ku Saabsan Labadii Nin Oo Daynka Qabtay

36 Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay. 37 Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel [a]alabastar ah oo cadar ku jiro. 38 Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay. 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile. 40 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow. 41 Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton. 42 Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan? 43 Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay. 44 Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay. 45 Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato. 46 Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay. 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel. 48 Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin. 49 Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana? 50 Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya