Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
101 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid,
Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya,
Bal goormaad ii iman doontaa?
Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono,
Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda,
Oo innaba iguma dhegi doono.
4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa,
Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa,
Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed,
Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono,
Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan,
Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
109 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba,
Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan,
Oo sababla'aan bay igula dirireen.
4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin,
Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
5 Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan,
Jacaylna nacayb.
6 Nin shar leh ka sarraysii isaga,
Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
7 Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay,
Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
8 Cimrigiisu ha yaraado,
Jagadiisana mid kale ha qaato.
9 Carruurtiisu ha agoontoobeen,
Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen,
Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan,
Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa,
Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 Farcankiisu ha baabba'o,
Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto,
Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba,
Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto
Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan,
Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay,
Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda,
Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale,
Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado,
Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan,
Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel,
Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya,
Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan,
Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay,
Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi,
Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada,
Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee,
Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen,
Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga,
Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
CAYN.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
FE.
129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
SADE.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay,
Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo
Iyo daacadnimo oo dhan.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo,
Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay,
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa,
Laakiinse amarradaada ma illoobo.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa,
Oo sharcigaaguna waa run.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday.
Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq,
Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
11 Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan. 12 Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda. 13 Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan. 14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa. 15 Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa. 16 Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga? 17 Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa. 18 Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin. 19 Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.
Bawlos Oo Yeruusaalem Tegey
15 Maalmahaas dabadeedna, alaabtayadii baannu diyaarsannay, oo waxaannu tagnay Yeruusaalem. 16 Oo waxaa na raacay qaar ka mid ahaa xerta Kaysariya iyagoo wada mid Manasoon la odhan jiray oo reer Qubrus ahaa oo xertii hore ka mid ahaa, kaasoo aannu u hoyan lahayn. 17 Markaannu Yeruusaalem nimidna walaalihii farxad bay nagu soo dhoweeyeen.
Bawlos Wuxuu Isku Dayay Inuu Masiixiyiintii Yuhuudda Ahayd La Heshiiyo
18 Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen. 19 Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa. 20 Iyaguna, kolkay taas maqleen, ayay Ilaah ammaaneen; oo waxay ku yidhaahdeen isagii, Walaalow, waad aragtaa intay yihiin kumanyaalka rumaystay oo Yuhuudda ku dhex jira; kulligoodna sharcigay ku kulul yihiin. 21 Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon. 22 Haddaba waa maxay? Way wada maqli doonaan inaad timid. 23 Sidaas darteed waxaannu kuu sheegayno yeel. Waxaa nala jooga afar nin oo nidar galay; 24 kuwaas kaxee oo isla daahiri oo kharashka iyaga ka bixi inay madaxa xiirtaan; markaasay dhammaan waxay wada ogaan doonaan inaanay waxba ahayn waxyaalihii lagaa sheegay, laakiin inaad adiga qudhaadu si hagaagsan u socotid oo aad sharciga dhawrtid. 25 Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. 26 Markaasaa Bawlos nimankii kaxeeyey, oo maalintii dambena intuu iyagii isla daahiriyey ayuu macbudka galay, isagoo caddaynaya maalmihii isdaahirinta dhammaadkoodii, ilaa intii sadqada loo sadqeeyey mid kasta oo iyagii ka mid ahaa.
U Yeedhidda Laawi(A)
27 Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. 28 Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay. 29 Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga. 30 Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadoodii, intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan? 31 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 32 Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.
Wax Soonka Ku Saabsan(B)
33 Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan. 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo? 35 Laakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan. 36 Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah. 37 Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan. 38 Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub. 39 Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya