Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 66-67

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.

Sabuurradii 19

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.

Sabuurradii 46

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood

46 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

Hoosheeca 2:2-14

Ciqaabtii Iyo Soo Celintii Israa'iil

Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda, si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin. Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed. Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga. Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin. Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay. Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen. Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa. 10 Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda. 11 Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba. 12 Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka. 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.

14 Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.

Yacquub 3:1-13

Carrabka Waa In La Xakameeya

Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn. Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan. Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa. Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo. Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido. Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa. Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka. Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha. Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray. 10 Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon. 11 Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh? 12 Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan.

Xigmadda Beenta Ah Iyo Tan Runta Ah

13 Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.

Matayos 13:44-52

Masaallada Ku Saabsan Maalka Iyo Luulka Iyo Shabagga

44 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.

45 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. 46 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.

47 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48 Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen. 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50 oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

51 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah. 52 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya