Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:145-176

QOF.

145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab,
Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi,
Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey,
Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo,
Si aan eraygaaga uga fikiro.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan,
Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan,
Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay,
Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin
Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.

RESH.

153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi,
Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo,
Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay,
Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay,
Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin,
Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday,
Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay,
Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run,
Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

SHIN.

161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey,
Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa
Sidii mid booli badan helay.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa,
Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn,
Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday,
Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga,
Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga,
Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

TAW.

169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen,
Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga,
Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso,
Waayo, amarradaadaan doortay.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday,
Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa,
Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon,
Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

Sabuurradii 128-130

Gabayga meelokoridda.

128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Gabayga meelokoridda.

129 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

Gabayga meelokoridda.

130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.

Xaakinnada 18:16-31

16 Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo. 17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka. 18 Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan? 19 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah? 20 Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka. 21 Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii. 22 Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan. 23 Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay? 24 Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya? 25 Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba. 26 Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey. 27 Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen. 28 Oo badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen. 29 Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish. 30 Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday. 31 Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

Falimaha Rasuullada 8:14-25

Butros Iyo Yooxanaa Oo Samaariya Jooga

14 Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa, 15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan; 16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay. 17 Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

18 Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay, 19 isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah. 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo. 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana. 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo. 23 Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada. 24 Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

25 Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

Yooxanaa 6:1-15

Waxaa Cunto La Siiyey Shan Kun Oo Nin(A)

Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas. Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay. Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay. Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda. Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato. Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi, Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan? 10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun. 11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. 12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin. 13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay. 14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.

Ciise Keli Buu U Baxay; Dabadeed Badduu Ku Dul Socday(B)

15 Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya