Book of Common Prayer
105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Markay dad tiro yar ahaayeen,
Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen,
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo,
Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray,
Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago,
Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday
Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay,
Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa,
Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba,
Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii,
Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay,
Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig,
Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii
Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan
Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale,
Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba,
Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax,
Iyo diir aan la tirin karin,
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil,
Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan,
Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.
Guursashadii Samsoon
14 Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin. 2 Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee. 3 Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay. 4 Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.
5 Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar. 6 Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona. 7 Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd. 8 Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab. 9 Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa. 10 Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen. 11 Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan. 12 Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah; 13 laakiinse haddaad ii sheegi weydaan, idinku waa inaad i siisaan soddon maro iyo soddon isku joog oo dhar ah. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Bal sheeg halxidhkaaga, aannu maqalnee. 14 Markaasuu ku yidhi iyagii,
Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday,
Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan.
Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen. 15 Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha? 16 Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa? 17 Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay. 18 Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi,
Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin,
Halxidhkayga ma aydnaan furteen.
19 Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.
15 Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.
Wacdigii Istefanos
7 Markaasaa wadaadkii sare wuxuu yidhi, Waxanu ma saasaa? 2 Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin, 3 oo wuxuu ku yidhi, Ka soo kac waddankaaga iyo dadkaaga, oo kaalay dalka aan ku tusi doono. 4 Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin, 5 oo dhaxalna kama uu siin, xataa meel uu cagtiisa dhigo; laakiin wuxuu isaga ka ballanqaaday inuu dalka mulki u siiyo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba, in kastoo uusan dhal lahayn. 6 Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono. 7 Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan. 8 Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.
9 Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar; 10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan. 11 Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen. 12 Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray. 13 Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii. 14 Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof. 15 Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba; 16 waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.
27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada? 28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii, 29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa? 30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii. 31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo. 35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska. 36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. 37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa. 38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. 40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood. 41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis, 42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya